Tarbiyadda carruurta

1 / 05

Haddii aad cabsi gelisid, timaha jiidid oo dhirbaaxdid carruurta, ama u geysatid tacadiyo nooc kale ah, waxaad ku xadgudubtay xuquuqdooda!

Ma ciqaabi karnaa dadka sameeya wax aynaan jeclayn?

Waa maxay sababta aad ku dooratay Noorway? Xuquuqda iyo tarbiyadda carrruurtu ma kuu yihiin muhiim? Noorway waxa madnuuc ah in tacadi gacan-ka-hadal ah lagu sameeyo carruurta, isla markaana waalidka ayaa ka masuul in carruurtu hesho korniin wacan oo wanaagsan. Waa in waalidku markasta tixgeliyaan baahida ilmaha, waxaana Noorway ku xoog weyn xaqa ilmuhu u leeyahay in la dhegaysto aragtidiisa.

Xuquuqda carruurta waxa damaanad qaaday heshiiska carruurta ee Qaramada Midoobay iyo xuquuqda bani’aadamka. Laakiin inkastoo ay wadamada oo dhan saxeexeen, hadana carruurta ayaa xabsi lagu ridayaa, la ciqaabaa ama dil loo geystaa. Waxa ku sameeya dawladooda, ama cid kale oo joogta waddankooda. Carruurta lagu sameeyo waxaas waxay laga qaaday xuquuqdooda. Ma laga yaaba inaad sababtaas darteed u soo baxsatay? Kadib markii cid kale ku xadgudubtay xuquuqdaada?

Ka hor intaanan guursanin waxan haystay lix fikradood oo ku saabsan tarbiyadda carruurta;  hadda waxan leeyahay lix carruur ah ah, mana qabo wax fikrado ah.

John Wilmot

Dad badan oo u soo baxsaday Noorway ayaa ka yimi bulshooyin leh aragtiyo iyo dhaqanno ka duwan kuwa Noorway. Bulshooyin ay sharafta iyo ceebtu xoog weyn ku leeyihiin, oo dhaqanka iyo caadooyinku ka muhiimsanyihiin sharciga, oo ay caadi ka tahay in waalidku tacadi jidheed ku sameeyaan carruurta marka ay rabaan inay tarbiyeeyaan. Arrintaas waxa la dhahaa tacadiga tarbiyadda ah, waa ka soo horjeedka amaanka iyo ilaalinta. Waxaanay ka soo horjeedaa waxa ka jira Noorway, oo aanay caadi ka ahayn in waalidku tacadi ku sameeyaan carruurta marka ay tarbiyeynayaan.

Haddii aad leedahay carruur, maxaad samayn lahayd haddii ay qataan wax aan loo ogolayn, ama ay adiga ama dad kale ku dhahaan waxyaalo xun? Haddii aad carruurta ka dhirbaaxdid faraha, gacmaha ama ku samaysid tacadi nooc kale ah, waxa aad markaas ku xadgudubtay xuquuqdooda. Haddii sidaas yeeshid waxa aad ku samaysay wax la mid wixii lagugu sameeyey markii aad joogtay waddanka hooyo, ee sabab u ahaa inaad ka soo baxsatid.

 

Tacadiga tarbiyaddu waxa uu ilmaha ku abuurayaa kalsooni la’aan ku keeni karta inuu sawir khaldan iska haysto. Carruurta waxa ku adkaan kara hurdada, ku mashquulida hawlaha ama waxa soo gaadhi karo dhawacyo jidheed ama maskaxeed. Arrimahaasi waxay ku keeni karaan inay ka hadhaan waxbarashada iskuulka oo ay iyagoo dhallinyaro ah galaan fal-dembiyeedyo

In badan oo ka mid ah kuwa tacadi sameeya ayaa tacadi loogu geysan jiray guriga, markaa tacadigu wuxu noqon karaa wax ilmubu ku dhaqmo.

Alternativ til vold

Waxa jiray xilliyo tacadiga tarbiyaddu madnuuc ka ahayn Noorway, waxaana adkaan kara in la fahmo xadka u dhexeeya tarbiyad iyo tacadi. Tacadiga lagu sameeyo carruurtu waxa uu abuuraa bulsho aan lahayn amaan, fal-dembiyeedka oo bata, cunsuriyad ama nacayb. Haddii aad ka qaybgashid doorashooyinka siyaasadeed, waxa aad talo ku yeelan kartaa xuquuqda laga helo bulshadeena, iyo nooca bulshada aynu rabno in carruurta iyo dhallinyaradu ku dhex koraan

Hvordan stemme?
Neste tema:
Waxbarasho