Xorriyad

3 / 05

Kuwa loo diido xaqa doorasho madaxbannaan ma haystaan xorriyad, waxay ku dhex noolyihiin aqal quraarad (dhalo) ah.

Yaa loogu talogalay xorriyad?

Waa maxay sababta aad ku dooratay Noorway? Xorriyadu ma kuu tahay muhiim? Xuquuqda xorriyada waxay ku jirtaa dastuurka Noorway, qof kastana waxa uu xaq u leeyahay inuu doorto noloshiisa, waxaana Xorriyadaas damaanad qaaday xuquuqda bani’aadamka iyo heshiiska carruurta ee qaramada midoobay, taasoo macnaheedu yahay in qof kasta dhashay isaga oo xor ah oo dadka kala siman xuquuqda iyadoo aan lagu takoorin jinsigiisa, qoomiyadiisa, diintiisa ama jinsiga soo jiita.

Xorriyada waxa damaanad qaaday xuquuqda bani’aadamka, laakiin inkastoo ay wadamada oo dhan saxeexeen, hadana dad badan ayaa la ciqaabaa, xabsi lagu ridayaa ama dil loo geystaa. Waxa ku sameeya dawladooda, ama cid kale oo joogta waddankooda, sababtuna maaha inay ku xadgudbeen sharciga. Laakiin waxa sabab u ah in cid kale jeclaysan waxa ay sheegeen ama sameeyeen, ama diidantahay waxa ay yihiin

Xorriyad aan buuxin maaha xorriyad!

Nelson Mandela

Ma laga yaabaa inaad arrimahaas dartood u soo baxsatay? Kadib markii cid ku xadgudubtay xuquuqda aad leedahay. Dad badan oo u soo baxsaday Noorway ayaa ka yimi bulshooyin leh aragtiyo iyo dhaqanno ka duwan kuwa Noorway. Bulshooyin ay sharafta iyo ceebtu xoog weyn ku leeyihiin, oo dhaqanka iyo caadooyinku ka muhiimsanyihiin sharciga. Meel shakhsiga laga rabo inuu daacad u ahaado baahida qoyska, oo aanu qaadan go’aan madaxabannaan. Bulshooyin ay carruurta iyo dhallinyarada lagu yareeyo xorriyada marka ay sii weynaadan ba. Bulshooyin la kantaroolo shakhsiga si aanay u samayn wax ceeb ku keenaya sharafta qoyska.

Noorway sidaas maaha oo xorriyada ayaa lugo adag ku taagan oo carruurta iyo dhallinyarada waxa u sii kordha xorriyadooda marba markay ii weynaadaan. Maxaad samayn lahayd haddii laguu sheego in gabadhii aad dhashay la socotay wiil? Ama haddii mid ka mid ah dhallinyaradaadu uu qaato diin ka duwan diintaada, oo uu rabo inuu ku dhaqmo diintiisa?

Haddii aad u geysatid hanjabaado ama tacadi, ama haddii aad u diidid inay la joogaan axsaabta, haddii aad kantarooshid buuggooda xasuus qorka, ama kombuutarka iyo telefoonnada, waxa aad ku xadgudubtay xuquuqdooda. Haddii sidaas yeeshid waxa aad ku samaysay wax la mid wixii lagugu sameeyey markii aad joogtay waddanka hooyo, ee sabab u ahaa inaad ka soo baxsatid.

Xorriyada waxay dhamaystirantahay, marka qofku xaq u yeesho inuu is ceebeeyo!

Kathrine Aspaas

Noorway markasta sidan ma ahaan jirin, oo 100 sanno oo keliya ka hor waxa haweenka laga rabay inay ceebta ka ilaaliyaan qoyskooda iyo seygooda. In qof kasta xorriyad ku helo Noorway waxa lagu gaadhay halgan ku salaysan nidaamka dimuqraadiyeed. Qofka ah dadka laga tiro badanyahay waxa u sii muhiim ah inuu isticmaalo xaqa codbixinta doorashooyinka, si aad saamayn ugu yeelan kartid bulshada aad ku dhex nooshahay, iyo xuquuqda meesha ka jiraysa.

Hvordan stemme?
Neste tema:
Sinnaan