Waxbarasho

2 / 05

Waalidka ma loo ogola inay carruurta ku cadaadiyaan inay qaataan waxbarasho aanay rabin, ama u diidaan waxbarashada ay rabaan

Waalidku ma go’aamin karaan waxbarashada ay carruurtu dooranayso?

Waa maxay sababta aad ku dooratay Noorway? Xuquuqda iskuulka iyo waxbarashadu ma kuu yihiin muhiim? Noorway waxa carruurta iyo dhallinyaradu xaq u leedahay inay aado iskuulka, isla markaana qof kasta oo buuxsamay 15 sanno jir waxa uu xaq u leeyahay inuu doorto waxbarashada uu rabo. Waalidka ma loo ogola inay dhallinyarada ku cadaadiyaan waxbarasho aanay rabin, ama u diidaan waxbarashada ay rabaan.

Xaqa iskuulka iyo waxbarashada waxa damaanad qaaday xuquuqda bani’aadamka. Sababtoo ah dagaallo iyo saboolnimo waxa jira dad badan oo iskuul ka heli karin waddankooda. Laakiin dadka qaar ayaa loo geystaa hanjabaado, tacadi iyo xadgudubyo marka ay joogaan waddankooda hooyo, waayo waxa jira dad u diidan inay aadaan iskuul, oo ka hortaagn waxbarashada. Bulshooyinka qaar waxa si gaar ah u sii nugul gabdhaha.

Waxbarashada ayaa ah hubka ugu muhiimsan haddii aad rabtid inaad wax ka beddeshid aduunka

Nelson Mandela

Ma laga yaabaa inaad arrimahaas dartood u soo baxsatay? Kadib markii cid ku xadgudubtay xuquuqda aad leedahay. Dad badan oo u soo baxsaday Noorway ayaa ka yimi bulshooyin leh aragtiyo iyo dhaqanno ka duwan kuwa Noorway. Bulshooyin ay sharafta iyo ceebtu xoog weyn ku leeyihiin, oo dhaqanka iyo caadooyinku ka muhiimsanyihiin sharciga. Bulshooyin uu magacu/darajadu tahay muhiim, oo carruurta iyo dhallinyaradu laga rabo inay sameeyaan doorasho faa’ido u leh qoyska. Noorway sidaasi ma ka jirto, oo waxa muhiimsan danta iyo baahida qofka.

Maxaad samayn lahayd haddii mid ka mid ah gabdhaha qoysku sheegto inay noqonayso mekaaniga baabuurta? Ama xirfad kale oo raggu u badanyahay? Ka waran haddii wiilkaagu rabo inuu noqdo macalinka carruurta xannaanada, ama xirfad kale oo lagu yaqaano haweenka?

Waayo haddii aad u diidid, ama ku qasabtid inay doortaan wax aanay rabin, oo ay dareemaan inay ku qasbanyihiin, waxa aad markaas ku xadgudubtay xaqa ay u leeyihiin inay doortaan waxbarashadooda. Haddii aad ka qaybgashid doorashooyinka siyaasadeed, waxa aad talo ku yeelan kartaa xuquuqda laga helo bulshadeena, iyo xuquuqda aynu rabno.

 

Dhallinyarada lagu qasbo waxbarasho aanay rabin waxa ka xumaan kara niyada iyo jawiga.

Trine Hatlevik Hønningstad

Waxa jirta xilli loo sinayn xuquuqda iskuulka iyo waxbarashada ee ka jirtay Noorway. Markii la soo gaadhay 1970-nadii ayaa haweenku fursad u heleen waxbarasho sare. Laakin waxbarashadu waxay keentaa aqoon ay bulshadu u baahantahay si ay u samayso horumar, iyo dad xal raadiya oo arki kara fursadaha jira. U sinaanta waxbarashada, iyo xorriyada iyo xaqa doorashada waxbarashada ayaa ah wax muhiim u ah dimuqraadiyada. Arrintan saamayn ayaad ku yeelan kartaa, haddii aad isticmaashid xaqa codbixinta doorashada oo aad ka qaybgashid doorashooyinka siyaasadeed.

Sidee loo codeeyaa
Neste tema:
Xorriyad