Sinnaan

4 / 05

Bulsho dadku simanyihiin, oo qof kastaa dooran karo waxa uu samaynayo, iyadoo aan la eegayn jinsiga uu yahay, ayaa ah waxa u wacan dadkoo dan

Sinnaantu ma tahay waxa aad moodaysid?

Waa maxay sababta aad ku dooratay Noorway? Sinaantu ma kuu tahay muhiim? Macnaha sinaantu waa inay madnuuc tahay in qof lagu takooro diintiisa, qoomiyadiisa, jinsiga soo jiita ama jinsiga uu yahay. Noorway waxa gabdhaha iyo wiilasha, ragga iyo haweenku leeyihiin fursado iyo xuquuq siman. Taasoo khuseysa dhinac kasta oo ka mid ah bulshada, qoyska, suuqa shaqada ama iskuulka.

Sinaanta waxa damaanad qaaday xuquuqda bani’aadamka, laakiin inkastoo ay wadamada oo dhan saxeexeen, hadana dad badan ayaa la ciqaabaa, xabsi lagu ridayaa ama dil loo geystaa. Waxa ku sameeya dawladooda, ama cid kale oo joogta waddankooda. Sababtu maaha inay ku xadgudbeen sharciga, ee waxa sabab u ah in cid kale jeclaysan waxa ay sheegeen ama sameeyeen, ama diidantahay waxa ay yihiin.

In badan haweeney ayaa sidda boorsada waayo waxay tahay ta ugu awooda badan

Barbara Valentin

Dad badan oo u soo baxsaday Noorway ayaa ka yimi bulshooyin leh aragtiyo iyo dhaqanno ka duwan kuwa Noorway. Bulshooyin ay sharafta iyo ceebtu xoog weyn ku leeyihiin, oo dhaqanka iyo caadooyinku ka muhiimsanyihiin sharciga. Bulshooyin ay haweenku masuul ka yihiin sharafta qoyska, oo loo diido iskuul iyo waxbarasho, inay doortaan qofka ay guursanayaan, ama inay ka qaybgalaan doodaha bulshada dhexmara. Sidaas maaha Noorway, oo ay sinaanta ayaa ku xoog weyn.

Maxaad samayn lahayd haddii mid ka mid ah gabdhaha qoysku ay ardayda fasalkeeda u raacayso safar iskuul oo dhixitaan ah? Ama lagu casuumo xaflad dhalasho, ma haddii ay aragtidooda ku soo bandhigaan baraha bulshada internetka?

Haddii aad u diidid, adoo isla markaana wiilasha u ogol, waxa aad markaas samaysay kala soocid. Haddii sidaas yeeshid waxa aad ku samaysay wax la mid wixii lagugu sameeyey markii aad joogtay waddanka hooyo, ee sabab u ahaa inaad ka soo baxsatid.

Muhiim maaha in haweenaydu la mid noqoto ninka, ama ninku la mid noqdo haweeneyda, sinaanta xuquuqdu lama mid aha iskumid ahaansho.

Simone de Beauvoir

Noorway weligeed ma ka jiri jirin sinaantu, welina lama gaadhin sinaan buuxda. Si kastaba Noorway waxa uu ka mid yahay wadamada ugu badan dhinaca sinaanta. Haweenka Noorway waxay u halgameen xuquuqdooda, wakhtigana gabdhaha ka soo jeeda qoysaska ajnabiga ayaa halgankooda ka bilaabay Noorway. Oo u halgamaya xuquuqdooda iyo xorriyada doorashada noloshooda, kana soo horjeeda dhaqanka ku salaysan sharafta iyo ceebta. Haddii aad ka qaybgashid doorashooyinka siyaasadeed, waxa aad talo ku yeelan kartaa xuquuqda laga helo bulshadeena, iyo xuquuqda aynu rabno.

Hvordan stemme?
Neste tema:
Cadaaladda