Cadaaladda

5 / 05

Sida loogu baahanyahay sharci si loo ilaaliyo akhlaaqda wacan,
ayaa loo baahanyahay akhlaaq wacan si loo ilaaliyo sharciga.

Ma ciqaabi karnaa dadka sameeya wax aynaan jeclayn?

Waa maxay sababta aad ku dooratay Noorway? Cadaaladu ma kuu tahay muhiim? Macnaha cadaaaladu waa in qof kasta dhashay isaga oo xor ah, isla markaana uu xaq u leeyahay inuu u noolaado sida uu rabo. Waxa kale oo macnaheedu yahay in cidna la ciqaabi karin xukun la’aan, waddanka Noorwayna waxa qof xukumi kara maxkamadaha oo keliya. Haddii qofku ku xadgudbin sharciga iyo xeerarka Noorway, waxa qofku dhihi karaa ama samayn karaa waxa uu rabo, iyadoo aan loo ciqaabi karin.

Cadaaladda waxa damaanad qaaday xuquuqda bani’aadamka, laakiin inkastoo ay wadamada oo dhan saxeexeen, hadana dad badan ayaa la ciqaabaa, xabsi lagu ridayaa ama dil loo geystaa. Waxa ku sameeya dawladooda, ama cid kale oo joogta waddankooda. Sababtu maaha inay ku xadgudbeen sharciga, ee waxa sabab u ah in cid kale jeclaysan waxa ay sheegeen ama sameeyeen, ama diidantahay waxa ay yihiin.

Sida loogu baahanyahay sharci si loo ilaaliyo akhlaaqda wacan, ayaa loo baahanyahay akhlaaq wacan si loo ilaaliyo sharciga.

Niccolò Machiavelli

Laga yaabaa inaad arrimahaas dartood u soo baxsatay, markii cid ku xadgudubtay xuquuqda aad leedahay. Dad badan oo u soo baxsaday Noorway ayaa ka yimi bulshooyin leh aragtiyo iyo dhaqanno ka duwan kuwa Noorway. Bulshooyin ay sharafta iyo ceebtu xoog weyn ku leeyihiin, oo dhaqanka iyo caadooyinku ka muhiimsanyihiin sharciga. Bulshooyinka leh dhaqanka ku salaysan sharafta iyo ceebta waa in qof kasta u dhaqmo qaab aan ceeb u soo jiidayn sharafta qoyska, haddii qofku sidaas yeelona waxa loo geysan karaa ciqaab aargoosi ah. Waxay loo geysan karaa tacadi, xorriyad ka qaadis, guur qasab ah, ama dil.

Ciqaabta aargoosiga ah waa ka soo horjeedka cadaaalada, waana wax aan ka jirin Noorway oo ay ka jirto cadaaladu.

Maxaad samayn ahayd haddii mid ka mid ah gabdhaha qoyskiinu leedahay wiil saaxiib la ah? Haddii mid ka mid ah wiilashaadu yahay khaniis, oo uu rabo inuu dadka u sheego? Waayo haddii aad u geysatid hanjabaado ama tacadi, oo aad u diidid inay la joogaan saaxiibada, ama ka qaybgalaan hawlaha wakhtiga firaaqada, waxa aad markaa ku xadgudubtay xuquuqdooda. Haddii sidaas yeeshid waxa aad ku samaysay wax la mid wixii lagugu sameeyey markii aad joogtay waddanka hooyo, ee sabab u ahaa inaad ka soo baxsatid.

Dadku marnaba qofka kama hayaan macluumaad ku filan oo keeni kara xukun cadaalad ah.

Sigrid Undset

Noorway weligeed kama jirin cadaalad,, dadkuna markasta uma sinayn sharciga. Laakiin cadaaladu waxay keentaa amaan, isla markaana waa wax lagama maarmaan u ah bulsho cadaalad ah. Haddii aad isticmaashid xaqa codbixinta doorashada, oo aad ka qaybgashid doorashooyinka siyaasadeed, waxa aad talo ku yeelan kartaa sharciyada iyo xeerarka ka jira bulshadeena.

Hvordan stemme?
Neste tema:
Tarbiyadda carruurta